Goobjoog

Duulimaadyo u dhexeeya Puntland iyo Muqdisho oo Maanta baaqday kadib Shuruudda Kaarka Aqoonsiga NIRA

Duulimaadyadii gudaha ee u kala gooshi jiray Puntland iyo Muqdisho ayaa saaka baaqday, kadib markii la sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo rogtay shuruud ah in rakaabka gudaha dalka u kala safraya ay haystaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ay bixiso Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA).

Wararka ka imaanaya Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe ayaa sheegaya in rakaabkii saaka la qorsheeyay inay raacaan Freedom Airlines, oo duulimaadkeedu ahaa Garoowe–Muqdisho–Nairobi, ay dib uga soo laabteen garoonka kadib markii ay soo baxday in looga baahan yahay kaarka aqoonsiga NIRA.

Dadka rakaabka ah ayaa sheegay in arrintu caqabad ku noqotay safarkooda, maadaama Puntland aysan ka jirin xafiisyo ay NIRA ka qaadato kaarka aqoonsiga.

Qaar ka mid ah dadka saaka safarkoodu baaqday ayaa la sheegay inay Muqdisho iyo Nairobi ugu safrayeen arrimo shaqo, halka kuwo kalena ay u socdeen adeegyo caafimaad.

Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay walaac ku saabsan saameynta ay shuruudda cusub ku yeelan karto isu-socodka gudaha dalka, gaar ahaan dadka u kala safra gobollada iyo magaalooyinka aan weli si buuxda looga hirgelin adeegyada NIRA.

Ilaa hadda Puntland kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan arrintan, halka shirkadda Freedom Airlines aanay si cad ugu wargelin dhammaan rakaabkeeda baaqashada ama isbeddelka ku yimid duulimaadkii saaka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments